Haqabtirenews.com
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Ku Dagaalamay Deegaano Ka Tirsan Buuhoodle
March 9, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaysa:-(HTN) Wasiirka Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu baaq nabad-deed u dirayaa beello mar kale dirir ku dhex martay deegaamo hoos-yimaada Gobolka Buuhoodle

Wasiirku wuxuu baaqa nabadeed ku yidhi:

“Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku dagaalamay degaanada Gobolka Buuhoodle, waxaan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada beelood ee walaalaha ah”.

“Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan idinku baaqayaa inaad colaadda damisaan oo aad Alle ka cabsataan, hoosna u eegtaan dhiiga bilaa micnaha aad u daadinaysaan ee aad agoomaha iyo goblanka kaga dhigaysaan hooyooyinka iyo caruurta, sideedaba dagaal wiil kuma

dhasho ee wiilbaa ku dhinta. Dilka iyo dhiiga micno darada ku daadanayaana dadkeena kama go’o, ee wixii is maandhaaf ah ee jira waa in lagu dhammeeyaa is afgarad lanna tixgeliyaa nabadgelyada, is xaqdhawrka derisnimo ee wada noolaanshaha iyo degenaanshaha leh.

“Sidoo kale waxaan madaxda dhaqanka ee labada dhinac ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaas soo noqnoqtay”.

“Ugu danbayn waxaan tacsi u dirayaa dhamaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad taama inuu siiyo. Waxaanan ku celinayaa baaqaygaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo lanna joojiyo colaadda, anigoo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo u faro dhuudhuuban ku boorinaya inay ka hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa colaaddaasi sidii loo joojin lahaa sida ugu dhakhsaha badan uga guntadaan.

ALLAA MAHAD LEH

C/raxmaan C/laahi Wirdaani

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda, Ahna Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

COMMENTS
Latest News