Haqabtirenews.com
Ciidammadii Maamulka Puntland Ee Jiidaha Hore Oo Iskaga Baxay Aagii Dagaalka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
March 8, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Tukaraq:-(HTN) Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Soolb ayaa sheegaya in ciidamadii Puntlaand ay baneeyeen jiidihii hore ee deegaankaasi kadib markii saraakiishi hogaaminayay ciidamadaasi ay sameeyeen gadood.

Warkan oo ay baahiyeen warbaahinta Puntland ayaa lagu sheegay in bixitaankoodu salka hayo mushahar la’aan xoogan oo ay ciidamadii tabanaya.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku dareen in ciidamadani si toosa ah ugu ambabaxeen deegaano ka tirsan, gobolka Bari iyaga oo si maray magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen ciidamada Garoowe ayaa la sheegay inay wateen gadiid ciidaan oo gaadhaya ilaa 25 gaadhi oo nooca dagaalka a.
Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo kale ku biireen ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa deegaankaasi kadib markii ay ka goosteen ciimadii ay hore uga tirsanaayeen ee Puntland, waxaana soo dhaweyn balaadhan ay kala kulmieen ciidamadani saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku sugan deegaanka Boocame ee gobolka Sool.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaan wali wax war ah ka soo saarin gadoodkan .

Ciidamo gadooday ayaa maalmo ka hor qabsaday baanka magaalada Qardho.

Dhanka kel saraakiisha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland eek u sugan jiida hore ayaa Wargeyska Dawan u xaqiijiyay I uu jiro warkan ka bixitaanka ciidamada Puntland.

COMMENTS
Latest News