Haqabtirenews.com
Al-shabaab Oo Soo Saartay Amar Lagu Xidhayo Garoomada Kubadda Cagta Ee Muqdisho
March 8, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Waxaa lagu soo warramayaa in kooxda Al Shabaab ay amar ku bixisay in la xiro dhamaan garoomada kubadda cagta ee gaarka loo leeyahay kuwaas oo ku yaalla saddex degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho.


In ka badan 20 garoon oo ku yaalla degmooyinka Karaan Yaqshid iyo Heliwaa ayaa la rumeeysanyahay in uu amarkaan saameen doono.
Dalabkaan ayaa la sheegayaa in ay isku afgarteen qaar ka mid ah maamuleyaasha garoomada iyo hogaamiyeyaasha al shabaab kadib markii ay kuwada Shireen deegaanka Tora Torow ee shabeellada hoose.
Dowladda iyo maamuleyaasha garoomada ayaanan xaqiijin jiritaanka amarkan balse ila wareedyo laga soo xigtay gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in aysan jirin kulamo lagu ciyaaray garoomadaasi.
Magaalada Muqdisho waxaa ka taliya dowladda soomaaliya haseyeeshee dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada ayaa ka welwelsan hanjabaadda ururka alshaab.
Ururka al shabaab ayaa isku dayaya in ay dalka soomaaliya ku xukumaan shareecada islaamka iyagoo diidan nooc kasta sharciyada madaniga ah oo ay ku jiraan cayaaraha iyo madadaalada.
Inkastoo taasi ay jirto kooxda waxa ay horay deegaanada ay ka taliso ku qabatay ciyaaro si ay taageero uga hesho dadka deegaanka.
Xigasho BBCSomali

COMMENTS
Latest News