Haqabtirenews.com
Dawladda Jabuuti Oo Heshiis La Gashay Shirkad Cusub Oo Dhanka Dekeddaha Ah
March 7, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Djabuti:-(HTN) Hay’adda maamusha dekeddaha Jabuuti ayaa heshiis la saxeexatay shirkadda Pacific International Lines (PIL) oo xarunteedu tahay waddanka Singapore. Shirkaddan Singapore leedahay ayaa la filaya in ay xoojiso xammuulka dekedda Dooraleh oo dhawaan laga eryay shirkadda reer Imaaraad ee Dp World.

Image result for Madaxweynaha Djibouti

Hay’adda maamusha dekedda Doorale ee Jabuuti ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay heshiiskan laga rajayno in uu kor u qaado waxqabadka dekedda iyo alaabooyinka isaga goosha qaaradaha Eeshiya, Afrika iyo Yurub.

Dawladda Jabuuti ayaa dabayaaqadii bishii hore soo afjartay heshiis ay qayb kaga ahayd maamulka dekedda Doorale shirkadda Dp World kadib khilaaf culus oo soo kala dhexgalay. Shirkaddan cusub ayaa ka mid ah shirkaddaha dhinaca dekeddaha ugu waaweyn ee qaaradda Eeshiya iyada oo kaalinta 11 kaga jirta kuwa ugu waaweyn dunida.

COMMENTS
Latest News