Haqabtirenews.com
Musharraxiinta U Tartamaya Madaxtinimada Dalka Ruushka Oo Biyo Isku Shubay Kadib Markii Ay Is Af Dhaafeen
March 6, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Moscow:-(HTN) Musharraxiinta u tartamaya jagada Madaxweyne ee Dalka Ruushka ayaa waxa dhex maray dagaal aad u fool xun oo ay qaar ka mid ah musharraxiintaasi ay isku shubeen biyihii ku jiray Koobabkii hor yaalay xilli ay ku guda jireen barnaamij gaar ah oo lagu marti qaaday.

Arrintani aadka u layaabka badan isla markaana dad badani ay kala socdeen telefishinada dalkaasi ayaa waxay dhex martay labada murrashax ee Viladamir Geriniweski oo ka sharraxan xisbiga Dimuqraadiga ee dalkaasi iyo sidoo kale haweenayda u sharraxan jagada Madaxweyne ee dalkaasi ee Kissina Kupstak.

Sababta arrintani dhalisay ayaa waxay tahay in Kissina oo ku guda jirta hadalkeedii uu Viladamir ku tilmaamay inay tahay Axmaqad, intaasi kadibna waxay Kissina ku amartay in uu aamuso, markii uu aamusi waayeyna waxay ku daadisay koob biyo ahaa oo hor yaalay.

Kassina markii ay ku shubtay Musharraxa Viladamir biyaha ayaa waxay ku tidhi “Isla yaab Oo wax isku fal biyaha aan kugu shubay waxay ka tarjumayaan hab dhaqanka foosha xun iyo sida aad u dhaqmayso”.

COMMENTS
Latest News