Haqabtirenews.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Madaxtooyada Kula Yeeshay Guddida Doorashooyinka + SAWIRRO
March 6, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaysa:-(HTN) Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka.

War saxaafadeed laga soo saaray kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay xubnaha guddida doorashada ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid xogwaran ah oo ay guddidu madaxweynaha warbixin ka siiyeen safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalka dibediisa kulamo kula soo yeesheen dalalka Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka

Somaliland.

Waxaanay madaxweynaha uga warameen ballan qaadyadii ay kala soo noqdeen safarkooda, iyagoo sheegay inay waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay u sheegeen in dhinacooda ay diyaar ula yihiin wixii ku waajiba ee looga baahdo doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2019ka.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku boggaadiyey hawsha qaran ee ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda, waxaanu u balan qaaday in ay ka go’an tahay xukuumadda wixii kharash ku baxaya, sidii uu horeba madaxweynuhu u balan qaaday, ka guddi ahaana ay ku dedaalan in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin doorashooyinku.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
Latest News