Haqabtirenews.com
Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo Safar Ku Jooga Dalka Masar
March 6, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Masar:-(HTN) Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tagay dalka Masar, tan iyo markii uu xilka dhaxal-sugaha loo magacaabay.

Maxamed Bin Salmaan ayaa Axadii shalay si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira, iyadoo Madaxweyne Cabdifatax Al Sisi uu uga hortagay Madaarka.

Safarka hogaamiyaha Sacuudiga ayaa la sheegay inuu qaadan doono sadex maalmood kahor intuusan Maxamed Bin Salmaan usii gudbin dalalka UK iyo Maraykanka oo uu booqan doono.

Booqashada Maxamed Bin Salmaan ee dalka Masar ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii Maxkamada Sare ee dalka Masar xukuntay in Boqortooyada Sacuudiga lagu wareejin karo labada jasiiradood Tiran iyo Sanafir, arrintaasi oo ay ka horyimaadeen inta badan shacabka dalka Masar.

Sacuudiga ayaa dhanka dhaqaalaha ka taageera xukuumada Cabdifatax Al Sisi oo ka tirsan isbaheysiga Sacuudiga ee xayiraada kusoo rogay Qatar, isla markaana dagaalka ka wada wadanka Yemen.

COMMENTS
Latest News