Haqabtirenews.com
MUQDISHO: Turkiga Oo Dhar Ciidan Ugu Deeqay Ciidammada Cirka Iyo Badda Ee Dalka Soomaaliya
March 5, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Saraakiisha ciidanka dalka Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga ka gudoomay dhar ciidan oo loogu talla-galay Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya, kaddib munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Milateriga ee Turkiga ku leeyihiin Jaziira.

Saraakiil ka tirsan ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa ku wareejiyay dareyskan Abaanduule Jen. C/llaahi Caanood, Taliyeyaasha Ciidamada Badda iyo Cirka Maadey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali Dable Baylood.

Taliyaha Ciidamada Badda Maadey Nuurow Sheekh Ufurow ayaa sheegay in deeqdan ay tahay tii labaad oo soo gaarta Ciidamadda Badda, waxaana uu balanqaaday inay u maareyn doonaan sidii loogu tala galay.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/llaahi cali Caanood ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka, isagoo tilmaamay in deeqdan dharka ay dhiira gelineyso Ciidamada Badda iyo Cirka oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka.

COMMENTS
Latest News