Haqabtirenews.com
Dawladda Shiinaha Oo Kordhinaysa Miisaaniyadda Gaashaandhiga
March 5, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

China:-(HTN) Golaha qaran ee dalka Shiinaha ama haddii si kale loo yiraahdo Baarlamaanka dalkaasi ayuu kalfadhigiisa sanadlaha ah uga furmay magaalada Biijiin, xilli ka hor waqtigii jadwalka uu ahaa.

Ra’isulwasaaraha dalkaas ayaa ku dhawaaqay kobac dhaqaale oo gaaraya 6.5 boqolkiiba.

Wuxa uun intaa ku daray in miisaaniyadda loogu talagalay gaashaandhiga la kordhin doono wax ka badan boqolkiiba 8.

Golahan ayaa lagu wadaa in uu meesha ka saaro sharciga hadda xadidaya inta kal ee uu madaxweynaha xilka hayn karo.

Arrintani ayaa ka dhigan in madaxweyne Xi Jinping uu dalkaasi ka talin doono mudda aad u dheer oo aanan la ogeyn marka uu xilkiisa ku egyahay.

Madaxwaynaha Shiinaha ee imika xilka haya Xi Jinping ayaa la sheeay in uu yahay ninka ugu awoodda badan xisbiga Shuuciga ee talada dalkaasi haya.

COMMENTS
Latest News