Haqabtirenews.com
Dawladda Baxreyn Oo Xidhay Dad Boqol Kor U Dhaafaya Iyo Sababta
March 4, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Bahrain:-(HTN) Xukuumadda Baxreyn ayaa sheegtay in ay xirtay 106 qof oo ay ku eedeeysay in ay ka tirsan yihiin koox shabakad isku xirdhn ah oo hubaysan islamarkana sida la sheegay xidhiidh la leh ilaalada kacaanka Iiraan.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Baxreyn ayaa lagu sheegay in baarayaal ay fashiliyeen weeraro.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in hub laga helay goobta ay daganaayeen kooxdani la sheegay in ay mintidka yihiin.

Dowladda Baxreyn ayaa ku eedeeysay qaar ka mid ah dadka la xiray ay tababar militari ay ka helayeen Iiraan,Ciraaq iyo lubnaan.

bishii January in ka badan 40 qof ayaa loo xirey eedeeymo kuwan la mid ah.

Dowladda Iiraan ayaa beenisay eedeeynta ah in ay tababarto kooxaha ku sugan Baxreyn.

COMMENTS
Latest News