Haqabtirenews.com
Xildhibaano Wada Olole Lagu Joojinayo Hubka Uu Maraykanaku Ka Iibiyo Xulafada Sucuudiga
March 3, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Washington:-(HTN) Xildhibaano uu horkacayo Senator Bernie Sanders ayaa soo diyaariyey mooshin lagu joojinayo hubka uu Maraykanka ku taageero xulafada Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

US President Donald Trump joins dancers with swords at a welcome ceremony ahead of a banquet at the Murabba Palace in Riyadh on May 20, 2017. / AFP PHOTO / MANDEL NGAN (Photo credit should read MANDEL NGAN/AFP/Getty Images)

Mooshinkan oo Golaha loo gudbiyey Arbacadii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo qoray Senatorada Bernie Sanders, Mike Lee iyo Chris Murphy.

Xildhibaanadan ayaa doonaya inay adeegsadaan sharciga awooda u siinaya Kongareeska dalka Maraykanka inuu joojiyo hawlgalada Militari ee uu Madaxweynaha ansixiyey, sharcigaasi oo loo yaqaan (The War Powers Act).

Senator Sanders ayaa sheegay in shacabka Maraykanka aysan wax badan kala socon khasaaraha uu geystay dagaalka ka socda wadanka Yemen, dagaalkaasi oo uu Maraykanka ku lug leeyahay isla markaana taageero militari siinayo xulafada Sacuudiga.

Xildhibaanadan ayaa aaminsan in dagaalka ka socda Yemen uusan Kongareeska Maraykanka ansixin sidaa daraadeedna lagu joojiyo dhamaan kaalinta uu Maraykanka ku leeyahay dagaalkaasi.

Mooshinkan ayaa lagu xusay in Maraykanka uu sii wadi karo dagaalka uu kula dagaalamayo kooxda AQAB ee Al Qacidada Yemen, hase yeeshee gebi ahaan joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga.

Waxaa mooshinkan uu hada horyaal Guddiga Golaha Senateka u qaabilsan Arrimaha Dibada, balse sida uu sharciga uu qorayo xildhibaanadan mooshinkan keenay ayaa 10 maalmood kadib Golaha ka dalban kara in codka loo qaado.

COMMENTS
Latest News