Haqabtirenews.com
Somaliland Oo Dhexda U Fadhida Dagaalkii Is-Bahaysiga Dalalka Carabta Iyo Qadar, Warbaahinta Labada Dhinac Oo Kala Taageeray Somaliland Iyo Somaaliya Iyo Xogihii Ugu Dambeeyey
March 3, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey Warbaahinta dalalka Carabta gaar ahaan warbaahinta la kala safan dhinacyada isku haya Khilaafka waddamada Khaliijka ayaa waxa ay si weyn u falanqaynayeen Heshiiskii dhawaan Imaaraadka Carabta ku dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda Imaaraatiga ah ee DP World, iyada oo warbaahinta dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku soo dhaweeyeen aadna u buunbuuniyeen heshiiskaasi halka warbaahinta dalka Qadar gaar ahaan telefishanka Al-jazeera uu baahinayay warar uu ku sheegay in dawladda Soomaaliya gabi ahaanba laashay oo ay joojisay heshiiskaasi.

Dagaalka dhinaca Warbaabinta ee muddoba u dhaxeeyey dalalka Is-bahaysiga Carabta ee Sacuudiga iyo Imaaraadku hogaamiyaan oo dhinac ah iyo Dalkaasi Qadar oo aan waxba la isku reebin ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa laga dhex arkayay iyada oo Heshiiska Dhismaha Dekedda Berbera uu udub dhexaad u ahaa dagaalkaasi Borobagaandaha ah iyada oo warbaahinta dalka Qadar aad u buunbuuninaysay Dhawaaqii shalay ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya ee ay ku sheegtay in aanay aqbalayn heshiiskaasi oo ay sharciga la tiigsan doonto taasi oo keentay in warbaahinta dalka Qadar oo Imaaraadka ku xumaynaysaa ay dhawaaqaasi Muqdisho ka soo yeedhay aad u waynaysay oo ay xataa gaadhsiisay heer ah in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kansal garaysay ama ay joojisay heshiiska Dekedda Berbara.

Shabakadda Caanka ah ee Aljazeera ayaa qaybaheeda Afafka Carabida iyo Ingiriisidu waxa ay baahinayeen war ay ciwaan uga dhigeen “Dawladda Soomaaliya Oo Laashay Heshiiskii DP-World ee Maamulka Dekedda Berbera”. Warkaasi oo ay ku sheegeen in Imaaraadku ku fashilmay in uu Dekedda Berbera la wareego, maalmo uun kadib bay yidhaahdeen go’aankii sidoo kale Jabuuti ku eriday DP World waana nooc ku wiirsi ah.

Shabakaddaha iyo Wargeysyada kale ee dalkaasi Qadar shalay ka soo baxay oo ay ka mid yihiin Al-raayah, Gulf Times iyo Al-Watan ayaa sidoo kale warbixinno kuwa Aljazeera oo kale ah baahinayay.
Dhinaca kale badiba warbaahinta dalka Imaaraadka iyo qaar ka mid ah wargeysyada Sucuudiga ayaa shalay iyo dorraad iyana dhinacooda waxa ay buunbuuninayeen war-saxaafadeedkii Imaaraadka laga soo saaray ee lagu shaaciyey saamiga ay kala leeyihiin Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee la xidhiidha Mashruuca Maal-gelinta Dekedda Berbara kaasi oo ay ku sheegeen mid faa’iido ballaadhan u leh ganacsiga iyo dhaqaalaha Mandaqadda iyaga oo xusay in heshiiska Maamulka Dekedda Berbera ee DP-World uu xoojin doono dhaqaalaha iyo isu socodka ganacsi ee Geeska Afrika iyo Dalalka Khaliijka.

COMMENTS
Latest News