Haqabtirenews.com
Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Dalka Burundi
March 3, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Kampala:-(HTN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne  ku xigeenka Kowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Ku xigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saaray dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal.

” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi .

Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag.

Madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahiu Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne ku xigeenka koowaad.

COMMENTS
Latest News