Haqabtirenews.com
Xukuumada Somaliland Oo Dawlada Jabuuti Ka Difaacday Eedaymo Uga Yimid Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah.
March 1, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Xukuumada somaliland ayaa dawlada Djibouti ka difaacday eedaymo uga yimid siyaasiyiinta mucaaridka ah ee somaliland.

Safiirka somaliland ee dalka Djibouti Cabdifataax Siciid Axmed oo maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka war bixiyey halka uu marayo xidhiidhka u dhaxeeya labada dal iyo khilaafka u dhaxeeya DP World iyo dawlada Djibouti.

Amb. Cabdifataax Siciid oo ugu horayn ka hadlaya xidhiidhka somaliland iyo Djibouti ayaa waxa uu yidhi “Runtii cilaaqaadku maanta waxa uu marayaa meeshii ugu wanaagsanayd waxaana lagu garanayaa taas markii madaxweyne Muuse Biixi la doortay safarkiisii ugu horeeyey waakii Djibouti ku yimid, aniguna sanad iyo laba bilood ka hor ayaan tagay Djibouti, wax kor u kaca mooyaane wax hoos u dhacay ma jiraan.”ayuu yidhi Amb Cabdifataax oo u waramay HCTv.

Sidoo kael Amb. Cabdifataax ayaa ka hadlay waxyaabaha uga hir galay dalka Djibouti “Haddii aan tusaale ka bixiyo waxa ka mid ah in marka baasaaboorka somaliland marka lagu soo galo lagu reebi jiray madaarka mudadii aan joogay ee aan xukuumada Kulmiye ka tirsanaa dedaal badan oo aanu galinay waxaan ku guulaysanay in baasaaboorka somaliland lagu fiiseeyo madaarka qofkuna la galo magaalada sidii hore-ba loo sheegayna aynu isku furno isku socodka, amniga ayaa ka dhaxeeya labada, ganacsiga, walaaltinimo, jaarnimo iyo wax badan ayaanu wadaagnaa Djibouti.”

Amb. Cabdifataax Siciid ayaa dawlada Djibouti ka difaacay eedaymaha uga imanaya siyaasiyiinta mucaaridka ah ee somaliland waxaanu mar kale yidhi “Waxaad moodaa baryahan dambe inay jirto kalmad hore loo isticmaali jiray oo ah “dhaameelka ayaa loo daadiyaa” maanta waxaad moodaa in siyaasiyiinteenu ay noqdeen oo ayaan daro ah inay ka horaysiiyaan dantii qaranka ama masiirkii umada danahooda gaarka ah, xidhiidhka sidaas loo dhisayo ee la wanaajiyo in rag danahooda gaarka ka door bidaan waa u ayaan daro.”

Amb. Cabdifataax oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay khilaafka Dp World iyo dawlada Djibouti waxaanu yidhi “Arinka Dp World waa arin u gaar ah dawlada Djibouti, DP World-na meelo badan ayey ka shaqaysaa oo bada cas ka tirsan, jida,Yeman oo ay sadex dekedood maamusho, Somaliland iyo Puntland oo Boosaaso ah, markaa bada cas aad ayey u balaadhan tahay, markaa waxaan leeyahay siyaasiyiintu ha hubsadaan wixii ay ka hadlayaan.”

Amb Cabdifataax Siciid ayaa ka hadlay ujeedooyinka uu haatan u yimid dalka waxaanu yidhi “Madaxweynuhu iima yeedhin balse waxa jirta in labadii bilood ama sadexdii bilood aan xukuumada la galo la tashi, madaxweynaha ama wasiirkayga, afar milyan iyo badh qaranka ah ayaan matalaa, la tashigaasina waa mid iska dhaca kaas oo aanu iska waraysano xaaladaha dalka, tana waxay ka mid tahay qayb shaqayda ka mid ah oo aan u imid.”

Amb. Cabdifataax oo wax laga waydiiyey wadda hadal la sheegay inuu khadka telefanka ku dhex maray madaxweynayaasha somaliland iyo Djibouti ayaa waxa uu yidhi “Arinkaas anigu war kama hayo mana ogi runtii wax aan ka sheego, waxba kama jiraan weeyaan laakiin arinkaasi mid aan ka war hayo maaha, haddii ay labada madaxweyne ka wada hadleen kolay wax gaar ah ayey noqonayaan laakiin arinkaas kama war hayo.”

COMMENTS
Latest News