Haqabtirenews.com
DAAWO: “Faysal Waa La Soo Kireystaa” Dawladda Jabuuti Oo Si Qaawan U Aflagaadeysay Faysal Cali Waraabe
March 1, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Dubai:-(HTN) Dawladda Jabuuti ayaa si adag u weerartay Eng Faysal Cali Waraabe hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland. Waxay ka taba joogta hadal dhawaan uu ku duray dawladda Jabuuti oo uu ku sheegay in ay ka xun yihiin horumarinta dekedda Berbera kadib markii Jabuuti sheegtay in ay shirkadda DP World u eriday dalalka dariska iyo badda cas oo ay dekedo tartan galinaya Jabuuti ka bilawday.

Abuubakar Cumar Xaddi oo dekedaha u qaabilsan dawladda Jabuuti ayaa ku dooday in Faysal Cali Waraabe la soo kiraystay “Haddii uu isagu(Faysal) Berbera jecel yahay haddii uu Somaliland jecel yahay waxay ahayd in uu ku farxo in aan u soo erinay DP World. Haddii uu DP World u haysto in ay jannadii tahay ha qaato oo madaxa ha saarto meesha uu doonana hala maro. Ninkan marka aad hadalkiisa dib u eegto nin Somaliland u hadlayayba muu ahayn wuxuu sheegayay in Jabuuti heshiiska oo badhtanka socda jabisay maxaa taas ka khuseeya? In aanu bilaa mushahar ahayn Dp World ka hor marka waxa halkaas ka cad in ninkaasi dagaal sokeeye ku jiro oo waa la kiraystay marka Afrikana waligeed dad noocaas ah ayaa loo soo kiraysan jiray,” Sidaas ayuu yidhi masuulkan u hadlay Jabuuti.

Halkan Hoose Ka Daawo

COMMENTS
Latest News