Haqabtirenews.com
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Safar Deg-deg Ugu Baxay Dalka Imaraadka Carabta Iyo Xukuumadda Oo Joojisay Dhismaha Saldhigii Millatari Ee Berber
February 27, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu safar deg deg ah ugu baxay dalka Imaraadka Carabta, isaga oo xalay fiidkii gaadhey magaalada Dubai.

Safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in uu yahay mid uu kalamo la yeelan doono madaxda ugu sar sarreysa shirkadda maamusha dekadda Magaalada Berbera ee Dp World.

Safarkan deg deg ah ayaa waxaa uu imanayaa xili ay wargeys-yada Hargeysa ka soo baxa ay maalintii shalay aheyd sheegen in xukuumada Madaxweyne Biixi ay hakisay dhismihii saldhigga Millatari ee Imaraadku ka wadey magaalada Berbera.

COMMENTS
Latest News