Haqabtirenews.com
HTN:-SPORTS: Tababaraha Kooxda Manchester United Oo Ka Hadlay Guushii Ay Ka Gaadheen Chelsea.
February 26, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Manchester:-(HTN) Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen dhigooda Chelsea garoonka Old Trafford kaasoo ka tirsanaa kulamada 28-aad ee horyaalka Premier League-ga xili ciyaareedkan.

Jose Mourinho oo kulanka kadib kasoo hor muuqday saxaafada ayaa wuxuu yidhi: “Bilawga ciyaarta waxaa fiicnayd Blues, Waxaan u baahanay waqti si aan u saarno cadaadis, xidigaha khadka dhexe ayaa waxay ku qaadatay waqti si ay cadaadis u saaraan Danny Drinkwater iyo N’Golo Kanté, laakiin waxaan helnay isku dheelitirnaan”.

Macalinka reer Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Qeybtii labaad waxaan ku soo laabanay si adag, lakiin ma aanan sameynin fursado badan, sababtoo ah, Chelsea inaad fursado ku hor sameeyso ma ahan mid macquul ah, mar walbana waxaan dooneynaa inaan si wanaagsan u muuqano, waxaan nahay kuwo fiican marka aan heysano warqada iyo qalinka, laakiin wax walba waa ay ka duwan yihiin marka aad ku gudi jirto garoonka”.

Mourinho oo aamanaayay ciyaartoydiisa ayaa wuxuu yidhi: “Shaqada ay qabteen Scott McTominay iyo Nemanja Matic aad bey u fiicneed, waxaan u baahnaa Pogba iyo Alexis Sanchez si aan u dheeli tirnaano, ugu horeyn ciyaartoyda waxay u baahan yihiin waqti si ay iskula qabsadaan, laakiin waan ku faraxsanahay sababtoo ah waxay ahaayeen kuwo caqli badan”.

Macalinka reer Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay 4-ta kooxood ee kaalmaha sare wuxuuna yidhi: “Kooxda hogaanka heysa waxay ahaan doontaa halkeeda, Arsenal waxay u baahan tahay inay guul gadho, hadii ay sidaas dhici weyso farqiga Gunners iyo hogaamiyaasha aad buu usii fogaanayaa, Manchester United, Liverpool, Chelsea iyo Tottenham dhamaantood waa afar kooxood waaweyn, laakiin ugu dambeyntii, hal koox ayaa ka hari doontaa loolanka afarta sare”..

COMMENTS
Latest News