Haqabtirenews.com
Midawga Yurub Oo Sheegay Inaanay Faro-galin Doonin Muranka Catalonia.
October 20, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Brussels:-(HTN) Madaxwaynaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in midowga Yurub aysan meelna uga banaaneen in ay ku lug yeeshaan dhaxdhaxaadinta arrinta Catalonia.

Waxaa uu hadalkan ka jeediyay maalinkii koowaad ee shirka wadamada Midowga Yurub .

Madaxwaynaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in muranka ka taagan Catalonia aysan ka wadaxaajoon doonin hogaamiyayaasha midowga Yurub.

Xukuumada Spain ayaa khamiistii sheegtay in ay bilaabayso geedi socod ay kula wareegayso qaar ka mid awoodahii ismaamulka Catalonia.

Hogaamiyaha gobolka Catalonia,Carles Puigdemont,ayaa dhankiisa ku hanjabay in uu saxiixi doono madaxbanaanida gobolkaasi.

Madaxa guddiga midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in boqolkiiba shan oo kali ah la bixiyay lacagihii loogu talagalay in loogu deeqo dowladaha Afrika si loo dhimo qulqulka muhaajiriinta ka imanaysa qaarada.

COMMENTS
Latest News