Haqabtirenews.com
Maraykanka Oo Dhex-dhexaadinaya Sucuudiga iyo Ciraaq.
October 20, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa maanta lagu wadaa inuu tago bariga dhexe, si uu uga qeybgalo kulan magaalada Riyad ku dhexmari doona Sacuudiga iyo Ciraaq.

Tillerson ayaa dowr ka ciyaari doona qaabeynta xidhiidhkka labadan dal ee deriska ah. Kulanka ayaa ujeedkiisu yahay sidii Iraq loogu qancin lahaa in ay xulafo dhaw la noqoto Sacuudiga, halka ay hadda rafiiq kala tahay Iran.

In this Wednesday, April 5, 2017 photo released by Saudi Press Agency, SPA, Saudi King Salman, right, waves as he is leaving the hall after their talks with British prime minister, as Defense Minister and Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman, looks in the back, in Riyadh, Saudi Arabia. British Prime Minister Theresa May has arrived in Saudi Arabia on a trip aimed at strengthening bilateral ties and increasing trade with the largest Arab economy. (Saudi Press Agency via AP)

Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Iran ay marwalba walaac weyn ku heyso Mareykanka, sidaasi si la mid ahna ay dalalka gobolka Bariga Dhexe ay ka walaacsanyihiin Iran.

Shirka Sacuudiga iyo Ciraq uga furmayo magaalada Riyad ayaa imanaya afar bilood kadib marki ay labadani dal kala saxiixdeen heshiis ay ku aas-aaseen gole ka shaqeyn doona wanaajinta xiriirka labada dal, si loo yareeyo saameynta ay Iran ku leedahay gobolka.

COMMENTS
Latest News