Haqabtirenews.com
Kongareska Marayknka Oo Codsaday in Cunaqabatayn La Saaro Dawladda Burma.
October 20, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa qoraal ay u direen Xoghayaha Arrimaha Dibada Rex Tillerson ugu baaqay in tilaabo laga qaado xukuumada militariga ee Burma ee xasuuqa iyo baro-kicinta ku haya muslimiinta Rouhinga.

Xildhibaanada saxiixay qoraalka oo gaaraya 43 ayaa sheegay in Xukuumada Maraykanka ay iska indho tireyso waxa ka socda dalka Myanmar / Burma. Waxayna ku baaqeen in cunaqabateyn dhaqaale iyo socdaalka ah la saaro hogaanka militariga dalkaasi.

Rex Tillerson Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa shalay mar uu hadal kasoo jeedinayey shir ka dhacay xarunta [Washington’s Center for Strategic and International Studies], khudbadiisa ku sheegay in ay lama huraan tahay in tilaabo laga qaado dadka ama madaxda ku lugleh dhibaatada ka socota dalka Burma.

Balse Mr.Tillerson ayaan sheegin in dowladiisa xiligan tilaabo ka qaadi doonto “…Ma iska sii eegan karno waxa ka socda dalka Myanmar, hadii warbixinada soo baxaya ay run yihiin waa lama huraan in lala xisaabtamo oo tilaabo laga qaado dadkaasi….” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hada dad ka badan 500 kun oo muslimiinta Rouhinga ah laga barokiciyey guryahooda iyo dhulkii ay degenaayeen, waxaana la sheegay in maalin walba dad gaaraya 20 kun oo Rouhinga ah isaga qaxaan dalkaasi Burma.

Ciidamada Militariga dalkaasi ayaa la sheegay iney weli sii wadaan xasuuqa, kufsiga iyo barokicinta ay ku hayaan dadkaasi Muslimiinta ah ee lagu khasbayo inay gebi ahaan isaga guuraan wadanka

COMMENTS
Latest News