Haqabtirenews.com
” Ciro Waxuu Igaga Fiican Yahay Waa Nin Si Wanaagsan Ula Soo Shaqeeyey Labadii Madaxweyne Ee Riyaale Iyo Siilanyo ..” Muuse Biixi Oo Sifeeyey Hogaaminta Musharax Cirro
October 20, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaysa:-(HTN) Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu habeenkii xalay aheyd uu sifeeyey hanaanka hogaamineed ee Musharaxa dhigiisa ah ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro .

Muuse Biixi oo xalay ka hadlaayey dood qaran oo loo sameeyey saddexda Musharax waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan Ciro uu yahay siyaasi isaga kaga fiican in uu si wanaagsan ula soo shaqeeyey labadii madaxweyne ee ugu danbeeyey Somaliland ee kala ahaa Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Siilanyo.

“Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu igaga fiican yahay waa nin la soo shaqeeyey labadii madaxweyne ee Riyaale iyo Siilanyo oo uu ahaa gudoomiyihii baarlamaanka , waana nin wanaagsan oo aan mar qudha aan ka hor imanin madaxdaas uu la soo shaqeeyey ” ayuu yidhi Muuse Biixi

COMMENTS
Latest News