Haqabtirenews.com
Ujeedada Safar Uu Madaxwayne Siilaanyo Hadda Ugu Baxay Gobolada Bariga Somaliland
October 18, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

(HTN-Hargeysa) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhawayd safar waxay ay ugu baxeen gobolada Bariga Somaliland.

Waxaana waftigan madaxwaynuhu goordhawayd safar kaga baxay madaxtooyada Somaliland,waxaana lugtiisa ugu horreeya ka bilaabayaa gobolka Saaxil oo uu galabta xadhiga kaga jarayo mashaariic laga hirgaliyay gobolka.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay sidii uu kormeer iyo u kuur galid ugu samayn lahaa xaaladda dad iyo duunyo ee gobolada bariga Somaliland iyo sidii uu xadhiga uga jari lahaa mashaariico laga hirgalinayo gobolada Qaar.
Safarkan madaxwayne Siilaanyo goor dhaw kaga baxayo Madaxtooyada Somaliland ayaa noqonaya safarkii ugu danbeeyey ee madaxwayne Siilaanyo kaga baxo madaxtooyada,waxaana 21 bishan si rasmi ah u bilaabmaya ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland.

COMMENTS
Latest News