Haqabtirenews.com
“Tabliiqiyiinta Ayaan Raacayaa Haddii Aan Waayo Doorashada Doorkan” Murrashax Faysal Cali Waraabe
October 18, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

(HTN-Hargeysa)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,ayaa ka hadlay waxa u qorshaysan iyo shaqada uu qaban doono haddii uu doorkan guul-darraysto doorashada Madaxtooyada ee qabsoomi doonta 13 Nofember ee sannadkan.

Waxaanu Xukuumadda ku bogaadiyay in ay bixisay kharashkii doorashada Madaxtooyada lagu gelayay oo ay soo dhammaystirtay.Waxa kaloo uu dhaliilo u soo jeediyay dhiggiisa labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu sheegay in aanay xakamayn karayn taageerayaashooda.
Murrashaxa jagada Madaxweynaha UCID oo ugu horrayn ka hadlaya shaqada uu qaban doono iyo halka uu siyaasadda uga diga-rogan doono haddii uu guuldarraysto doorkan..“Waanu ballanay oo ama wax ha boobaan amase yaanay boobine anigu waan iska ogolaan doonaa waanan ka tegayaa waddanka markaa waxaan noqonayaa hawl-gab oo qolooyinkan khuruushka ee tabliiqiyiinta ayaan raacayaa haddaan waayo doorkan,”ayuu yidhi Eng. Faysal oo ka hadlay kulan casho sharaf ah oo madaxweynuhu u sameeyay daneeyeyaasha doorashada madaxtooyada.
Mar uu ka hadlayay murrashaxiinta la tartamaysa, waxa uu yidhi “Nimanka komishanka aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Wasiirka Maaliyadda Samsam-na suuf iyo xanjo ayay isku dhejisay oo lacagtii wey soo heshay, arrintuna waa mid shacabka u taalla waxaanay ku xidhan tahay sida kooxda tartameysaa aynu u tartanno, maayarradana waxaan leeyahay sameecadaha si isku mid ah noogu hagaajiya iyo kheyriyooyinka hanaga jarjarina ee ta u horreysaana hadday iga xumaato waan joojinayaa oo orda codeeya ayaan odhanayaa Cabdiraxaam iyo Muuse waxaan leeyahay haddii aydaan joojin tartankan xun oo raga idinla shaqeynayaa oo aydaan xakameyn ogaada Somaliland ayaad ku ciyaareysaan annaga iyo Siilaanyo waad ogeydeen wixii dhibaato na soo marey markaa idinka oo leyliya haddaad tidhaahdaan markaaba waanu helaynaa mar kaliya waxba lama helee annaguba laba jeer ayaanu soo dhacnee idinkuna soo dhaca.”

COMMENTS
Latest News