Haqabtirenews.com
“Qof Waliba Ninka Uu Jecel Yahay Ha U Codeeyo, Saddexda Murrashax-na Illaahay Kii Dalka U Wanaagsan Ha U Dhiibo” Xaaji Cabdi Waraabe
October 18, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaysa:-(HTN) Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) ayaa ka hadlay doorashada la filayo inay Somaliland ka dhacdo horaanta bishan ee sannadkan 2017-ka, waxaanu farriin dar-daaran ah u diray madaxda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, sidoo kale waxa uu dar-daaran u diray bulsho weynta reer Somaliland.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) ayaa hadalkan ka jeedinayay kulan casho sharaf ah oo uu  uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo  isugu yeedhay Komishanka qaranka, murashaxiinta saddexda xisbi qaran, guddoomiyaha guurtida, gudoomiyaha maxkamada, taliyeyaasha ciidamada, guddoomiyaha akaademiga nabada iyo horumarinta iyo xubno ka mida golaha wasiirada.

“Madaxweynuhu sidda uu u soo waday iyo sidda uu uga degay waan ugu mahadnaqaynaa, sharaf ayuu kaga tagay ee sharafka aakhirana Alle ha ugu daro, golaha wasiiradda inta joogta iyo shacabku inay u duceeyaan ayaa la gudboon, doorashada saddexdaa Illahay kii u roon ha u dhiibo, sidii uu u waday ha u wadeen, ninka hela maahee kuwa kale si sharafka oo khaatumo leh ha u haneeyaan ee waxbaa lagu shubtay iyo maxkamad waligii waa madaxweyne, xajiinta ha layska ilaaliyo, qadafka ha layska ilaaliyo, kalgacan ha lagu codeeyo iyada oo lays dhunkanayo oo lays jecel yahay codka ha lagu rido, nin waliba ninka uu jecel yahay ha u codeeyo” ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).

COMMENTS
Latest News