Haqabtirenews.com
Xukuumadda Somaliland Iyo Xisbiyadda Qaranka Oo Ka Hadlay Qarax Ugu Yaraan 300 Oo Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Muqdisho.
October 17, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Xukuumadda Somaliland Ayaa Iska Difaacday Inay Maleegtay Qaraxa Muqdisho Oo Soomaaliya Ku Eedaysay

Hargeysa (HaqabtireNews)-Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaanay tacsi u direen shacabka ay waxyeelladu ka soo gaadhay iyo dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo VOA la hadlay ayaa qaraxyadaasi ku tilmaamay kuwo murugo leh.

“Arrinkaa runtii foosha xun ee ka dhacay Muqdisho waanu ka xunahay, waxaanu ka tacsiyadaynaynaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii halkaa naftooda ku waayay, waxa aanu Alle naxariistii janno ha ka waraabiyo, inta dhaawacantayna waxa aanu Illahay uga rajaynaynaa in uu si deg-deg ah u caafiyo” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxaanu ku baaqay in wax la taro dadkii ku dhaawacmay halkaasi waxaanu yidhi “dadkaa dhintay waxa aanu leenahay waa dad Soomaaliyeed, Soomaaliya oo kaliya kamay dhiman, Soomaali waa isku jidh kaliya, ha ahaadaan kala dawlado laakiin waa mid qudha, markaa waxa aanu leenahay dadkaasi wuu innaga wada dhintay Illahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo iyaga Illahay jannada ha ka waraabiyo gacan ka xaq darran ayaa dishay, waxa aan leeyahay dadka dhintay Illahay ha u naxariisto dadka eheladooda ka dhinteena gacan ha loo gaysto dadkii ay ka tageen iyo carruurtii ay ka tageen ha ilaaliyo kuwa dhaawaca ah iyagana ha la baxnaaniyo oo gacan ha loo gaysto, waa bilaa xuduud reer Somaliland, reer kilalka shanaad, reer Jabuuti, reer NFD inta waa xil ina saaran ee ha loo gurmado ayaanu leenahay” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Dhan kale af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la xidhiidhay inay Somaliland soo maleegtay qaraxii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho waxaanu yidhi “maaha markii ugu horraysay ee eed iyo aflagaado, cay iyo carjaamayn ay ka timaado nimankaa koonfur jooga, marka uu qofku hanan kari waayo hawshiisa iyo xilka u yaalla ayaa waxa ay caadaysteen amaba qofka aan aqooni joojin amma cilmi joojin amma aakhiro ayaa dambaysa aanay joojin ayaa waxa ay caadaysteen inay cid kale eeda saaraan, waxa aanu tarno mooyaane wax dhib ah oo aanu u gaysnay dadka aanu walaalaha nahay ee halkaa jooga ma jirto, eedahaya caynkaa ah waa inay ka fiirsadaan, wixii qofka lagu eedaynayo waa in la caddeeyo” ayuu yidhi af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi.

COMMENTS
Latest News