Haqabtirenews.com
Dawladda Mareykanka Oo Gargaar Caafimaad Gaadhsiiyay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
October 17, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Diyaarad sida gargaar daawo ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa goor dhoweyd caga dhigatay garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu waddaa in maanta ay yimaadaan diyaarado sidda gargaar caafimaad.

Shalay ayaa waxaa Muqdisho yimid diyaarado siday Daawooyin iyo dhakhaatiir oo laga leeyahay Jabuuti iyo Turkiga.

Wali waxaa soconaya gurmadka heerka caalami ah ee loo sameynayo dadkii ay wax yeellada ka soo gaadhay Qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

COMMENTS
Latest News