Haqabtirenews.com
Amiirka Qatar Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Malaysia
October 17, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Malaysia:-(HTN) Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa gaadhay dalka Malaysia oo uu ku joogo labo maalmood oo safar shaqo ah.

Booqashada Amiirka Qatar ee Malaysia ayaa salka ku heysa xoojinta ganacsiga ka dhaxeeya labada dal oo xidhiidh wanaagsanleh.

Dalka Qatar oo hada wada mashaariic waaweyn ee lagu diyaarinayo xarumaha ciyaaraha Adduunka ee 2022 ayaa doonaya inay sii xoojiyaan xiriirka ganacsi oo ay la leeyihiin dalka Malaysia.

Qatar oo ay saarantahay xayiraada ay kusoo rogeen xulafada Sacuudiga ayaa horey biraha dhismaha ka keensan jiray dalka Sacuudiga, balse hada ganacsigaasi usoo wareejiyey wadanka Malaysia oo biraha iyo alwaaxda guryaha lagu dhiso u iibgeeya wadanka Qatar.

Xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya labada wadan ayaa sanadkii hore gaarayey in ka badan $566 milyan oo dollar oo ay isdhaafsadeen, halka uu sanadkan marayo ganacsiga ka dhaxeeya in ka badan $1.1bilyan.

Dhinaca siyaasada ayey labada dal sidoo kale aad isugu dhaw yihiin gaar ahaan siyaasada ku aadan taageerida shacabka Falastiin iyo muslimiinta ku dhibaateysan dalka Burma ee Rouhinga.

Wadanka Malaysia ayaa xiriir wanaagsan sidoo kale laleh dalka Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna kamid yahay wadamada kaalinta dhex dhexaadka ah ka qaatay xiisada ka taagan dalalka Khaliijka.

COMMENTS
Latest News