Haqabtirenews.com
War Deg-deg Ah: Xukuumadda KULMIYE Oo Xabsiga Dhigtay Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Iyo Magacyadda Mas’uuliyiintaasi.
October 16, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Burco:-(HTN) Lamaaha ammaanka ee gobalka Togdheer ayaa waxaa ay iminka xabsiga dhigeen saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

Saraakiishan la xidhay ayaa waxaa ay kala yahiin Xoghaye ku-xigeenkii warfaafinta xisbiga WADDANI Md Cabdisalaan Ilkacase iyo laba xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga WADDANI oo laguna kala magacaabo Cabdilaahi Sheekh Aadan Abokor iyo Maxamed aadan Maxamed.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo xidhay saraakiishan oo ku sugnaa magaalada Burco, waxaana ay arrintani ku soo beegmaysaa xilli ay xisbiyadu u diyaar garoobayaan ololahii doorashada madaxtooyadda oo 21 bishan si rasmi ah u furmi doona.

COMMENTS
Latest News