Haqabtirenews.com
“Qaraxyada Laga Fuliyo Muqdisho Waxaa Maalgeliyey Maamulka Somaliland” Dawladda Soomaaliya Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Maal-geliso Qaraxyada Ka Dhaca Muqdisho
October 16, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Dawladda Soomaaliya Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Maal-geliso Qaraxyada Ka Dhaca Muqdisho

“Qaraxyada Laga Fuliyo Muqdisho Waxaa Maalgeliyey Maamulka Somaliland” Sarkaal ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ayaa Sidaa Yidhi

Muqdisho (HaqabtireNews)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa Somaliland ku eedaysay inay soo abaabusho isla markaana maal ku bixiso qaraxyada laga fuliyo magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Cali Cabdi Xooshow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka si naxli leh uga hadlay qaraxii Sabtidii ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen ku dhawaan 220 ruux oo intooda badan aan illaa hadda la aqoonsan wajiyadooda maadaama uu qaraxu aad u googooyey.

Sarkaalkan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo ku qornaa afka ingiriisiga ayaa hadalkiisu u dhignaa sidan “Inta badan falalka argagixiso ee ka dhaca Muqdisho waxaa maalgaliyey maamulka Somaliland ee waqooyiga dalka”.

Hadalka sarkaalkan oo ku magacaaban afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u muuqda mid uu ku metelo siyaasadda dawladda Farmaajo, waxaase xusid mudan in dhammaan shacbiga reer Somaliland ay si murugo leh uga tiiraanyoodeen qaraxii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho sabtidii, waxaana saamaynta qaraxu ay taabatay quluubta soomaalida intooda badan.

Geesta kale Al-shabaab ayaa beenisay inay fulisay qaraxii ka dhacay Muqdisho ee boqolaalka qof ku dhinteen kuna dhaawacmeen, sida lagu baahiyey telefishanka Al-jasiira qaybtiisa ingiriisiga xarakada Al-shabaab ayaa iska fogaysay inay wax lug ah ku lahady qaraxaasi.

COMMENTS
Latest News