Haqabtirenews.com
Murrashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Lacag Dhan Shan Kun Oo Dollar Ugu Deeqay Dugsiga Dayib Gurey Ee Magaalada Hargeysa+SAWIRRO
October 16, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo saaka aroornimadii booqday dugsiga sare ee Waxbarashada ee Dayib Gurey ee magaalada Hargeysa, ayaa iskuulkaas ugu deeqay lacag dhan $5000(Shan Kun oo Dollar), taasi oo ahayd balan-qaad uu hore ugu sameeyey Murashaxu oo lagaga qeyb-qaadanayey qeybo ka mid ah dhismeyaasha Iskuulkaas oo la qabyo tiraayey.

Murashax Cirro, waxa booqashadiisan ku wehelinaayey Xildhibbaan Nacnac, guddida Afgarad ee beelaha Arab, Marwo Milgo, Siyaasi Cali Jibriil iyo weli ba madax iyo saraakii sare oo ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax, ku waasi oo dhammaantood ba Murashax Cirro uga mahad-celiyey deeqdan uu soo gaadhsiiyey Iskuulka Dayib Gurey.

Waxaana Murrashax Cirro uu deeqdaasi lacagta ee dhan 5000$ (Shan Kun Oo Dollar) ku wareejiyay maamulaha dugsigaas,isaga oo maamuluhuna uga mahadceliyey murrashax Cirro sida uu uga qayb qaatay dayac tirka dugsigaasi.

COMMENTS
Latest News