Haqabtirenews.com
Shan Arday Oo Lagu Toogtay Iskuul Ku Yaalla Dalka Kenya Iyo Sababta
October 15, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

(HTN-Nairobi)-Shan arday iyo nin waashmaan ah ahaa ayaa toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto Koonfurta Suudaan sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Kenya.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Suudaan.

Wararka ayaa intaa ku darray in dhinaca kale Kufsi loo geystay Gabdho ku sugnaa Iskuulka Weerarka lagu qaaday.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa ku warramaysa in weerrarka Ardayda iyo ninkaas lagu dilay uu dhacay arooryadii hore ee shalay.

Labo cisho ka hor ayeey aheyd markii koox hubeysan ay toogasho ku dileen shaqaalaha Jaamacadda farsamada ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

COMMENTS
Latest News