Haqabtirenews.com
Murrashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Saaka Kormeer Ku Tagay Suuqyada Wax Lagu Iibiyo Ee Magaalada Hargeysa.
October 15, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

(HTN-Hargeysa)-Murrashaxa madaxwaynaha ee xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa saaka subaxii hore waxa uu kormeer ku tagay suuqwaynaha magaalada Hargeysa.

Waxaana guddoomiye Cirro uu kormeeray suuqyada wax lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa, isaga oo xaal waraystay ganacsatada yar yar ee suuqyada Hargeysa.

Waxaana uu sidoo kale guddoomiye Cirro ujeedada socdaalkiisu ay salka ku haysa u kuur galida sicir-bararka dalka ka taagan oo aafeeyey bulshada Somaliland, kaas oo wakhti xaadirkan sarrifka lacagta qalaad ay marayso halkii ugu saraysay.

COMMENTS
Latest News