Haqabtirenews.com
Is-casilaada Saaxiibkii Ugu Dhawaa Qoyska Madaxtooyada Xildhibaan Nacnac Oo Dareen Wajiyo Badan Leh Ku Abuurtay Taageerayaasha Iyo Masuuliyiinta Sare Ee Kulmiye
October 14, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaysa:-(HTN) Kadib markii uu Doraad ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba iska casilay Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland islamarkaana saaxiib dhaw ay yihiin Qoyska Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa isasoo tararaya gurxan shaki badan xambaarsan oo ka soo yeedhaya Masuuliyiinta Iyo Taageerayaasha Xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye kuwaasi oo dareen horleh ka qaatay Iscasilaada Xildhibaan Nac-Nac.

Wararka la xidhiidha Iscasilaada Xildhibaan Nac nac uu isaga tagay Xubinimadii Xisbiga Kulmiye oo uu muddo dheer ka soo tirsanaa iyo ku biirista uu siyaasadiisii u raray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dareeno kale duwan oo shaki iyo Wal wal xambaarsan ku abuurtay Guud ahaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiinta sare-ba,iyadoo ku soo beegantay wakhti lagu jiro u diyaar Garawga Doorashaddii madaxtooyadda oo maalmo koobani inaga xigaan,Waxaanu wal walka ugu badani iyo iswaydiintu ku aroortaa isagoo Xildhibaan Nac nac ah masuulka ugu dhaw ee saaxiibka dhaw la ah Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa islamarkana ah masuul laga ogaan karo halbeega siyaasadeed ee Qoyska Madaxtooyadda oo Xubno ka ah Xisbiga Muxaafid ah ee Kulmiye.

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye meel kasta oo ay joogaan iyo Masuuliyiinta sare ee KULMIYE ayay cad ceed kale u soo baxday kadib markii uu Xildhibaan Nac Nac ku dhawaaqay inuu iska casilay Xisbiga Kulmiye waxaanu dareenka ugu badani ka yimid oo ay su’aal iska waydiinayaan xidhiidhkii Saaxiibtinimadii ee u dhexeeyay Xildhibaan Nac Nac iyo Madaxtooyadda,iyo sida ay Madaxtooyaddu uga war hayso Iscasilaada Nac Nac ee ku soo beegantay Wakhtigan adag, waxaanu dareen kale oo hor lehi ka taagan yahay oo loo malaynayaa in Qoyska Madaxweyne Siilaanyo laftoodu ka niyad jabeen ama uu hoos u dhacay taageeradii iyo dhisidii ay u hayeen inuu mar kale talada dalka ku guulaysto xisbiga Kulmiye,islamarkaan ay ka warqabaan Iscasilaada Xildhibaan Nac Nac.

Dhinaca Kale waxa dareen kale ku dhaliyay Xisbiga Kulmiye,iyadoo lagu yaqaanay Xildhibaan Nac Nac inuu mar walba sameeyo wax uu ku raaligalinayo Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa islamarkaan uu samayn jiray waxyaabo ay ka raali yihiin,waxaanay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ka shaki qabaan in qoyska Madaxweyne Siilaanyo raali ka yihiin inuu Xildhibaan Nac Nac ka huleelo Kulmiye islamarkaana uu ku biiro Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,isagoo wali ay saaxiib dhaw yihiin Madaxweyne Siilaanyo.

COMMENTS
Latest News