Haqabtirenews.com
Faah Faahin Dheeri Ah Oo Ka Soo Baxaysa Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
October 14, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya qarax weyn oo goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee KM5, halkaasoo ay ku yaallaan goobo ganacsi iyo Hotelo. Qarxa oo ahaa mid aad u weyn oo uuro iyo qiic badan ay cirka isku shareereen ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah, waxaana uu gil gilay magaalada oo dhan.

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa goobta aheyd mid mashquul badan, waxaana bur bur xooggan soo gaaray dhismayaal ka ag dhow halka qaraxa ka dhacay oo u badnaa kuwo ganacsi. Illaa iyo hada lama oga khasaaraha, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in khasaaraha uu yahay mid aad u ballaaran, marka loo eego goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul ah.

Dad badan ayaa qaraxan ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ku soo xusuusanayaan qaraxii Hargaha iyo saamaha oo ahaa kii ugu xoogganaa, uguna khasaaraha badnaa ee soo mara magaalada Muqdisho.

COMMENTS
Latest News