Haqabtirenews.com
“Araboow Anigu KULMIYE Ayaan Ka Tirsnahay Waxbana Inooma Hayo ee Iminkaba Ogaada” Hadal uu Xildhibaan Nac-nac Beeshiisa Ujeediyey Intaanu KULMIYE Ka Huleelin
October 14, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

“Araboow Anigu KULMIYE ayaan Ka Tirsnahay Waxbana Inooma Hayo ee Iminkaba Ogaada” Hadal uu Xildhibaan Nac-nac Beeshiisa Ujeediyey Intaanu KULMIYE Ka Huleelin

Hargeysa (HaqabtireNews)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiillada kuwa ugu saamaynta iyo taageerada badan ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray xisbi mucaaridka WADDANI, waxaana uu sidoo kale sheegay inuu KULMIYE-ha cusub uu ka baxay.

Xildhibaan Nac-nac oo lagu tilmaami karo shakhsiyaadka ugu taariikhda wayn KULMIYE ayaa dad badani ka fekereen sababta uu uga baxay xisbigaas oo uu maal iyo muruqba ku bixiyey, waxaase aan illaa hadda la helin jawaab rasmi ah markii isaga la waydiiyeyna waxa uu xidlhibaanku ku jawaabay “dadkiiba waa ka yaacaye maxaad aniga ii sheeganaysaan” taasoo loo macnaystay inuu xildhibaanku ogyahay waxyaabo qarsoon.

Hase yeeshee Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac ayaa codad uu hore u duubay oo beeshiisa (Arab) kula hadlayay ku cadeeyey inaan KULMIYE beesha waxba ugu talo gelin isaguna uu arrimahaas dhawr jeer kala hadlay hogaanka KULMIYE, waxaase uu xildhibaanku isagoo tolkii la faqaya uu sheegay inaanu wax jawaab ah ka helin isla markaana uu u arko inaanu KULMIYE waxba u hayn beesha Arab, sidaas daraadeed ay haboontahay inay beeshu dhinac u badato, Xildhibaanka oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yidhi :

“Maanta inay Habar-jeclo isku haysato Muuse iyo Maxamed Abokor inama qabato (Arab) qofkii dhiig lihiba dee wuu ka dhiidhiyayaa kaas iminka cusub (WADDANI) ninbaa guddoomiye laga dhigay waa inaadeerkeen (Jirde) waa inaynu ayidnaa reerku Jees maahee oo meel ma wada degee laakiin meel baa loo badanayaa baan ku leeyahay iminka (intaanu tegin) anigu KULMIYE ayaan ahay laakiin KULMIYE waxaan ku leeyahay xaqaygii mee aniguna Arab oo dhan baan hogaaminayaa markaa waxaanu nidhi waar guddoomiyaha labaad (ee golaha wakiillada) nin araba oo aan anigaba ahayn siiya, kol haddii aanu Siilaanyo soo saarnay ina Biixina waanu soo saaraynaaye, waxaa nala yidhi maya xoghaya dawlada Hoose ayaad leedihiin waar xoghaye miyaynaan dhaafin ba markaa xisbigu waa xisbigaygii aan u soo halgamay laakiin boos Arab oo aan hadhaw u doono ma hayo iminkaba ogaada”.

Marka laga yimaado codka xildhibaanka oo goordambe soo baxay waxaa dadka siyaasadda faaleeyaa isla qireen in Madaxwayne Siilaanyo oo ahaa saaxiibka Xildhibaan Nacn-an aanu moogaynayn tallaabada xildhibaanka waxaase loo fasirtay in hogaanka KULMIYE iyo madaxtooyadu aanay dan wayn iska lahayn arrintaas oo horeba loo dareensanaa ayaa hadda u muuqata mid xoogaysatay.

COMMENTS
Latest News