Haqabtirenews.com
Sidee Noqon Doonta Shaxda Chelsea Markii Lagu Daro Batshuayi iyo N’Golo Kante ?
July 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

betWaxaa uu noqday saxiixa koowaad ee Antonio Conte uu keeno Chelsea kadib markii uu €40 million oo euro kaga soo dhaqaaqay Marseille,Farxadada ugu weyn Michy Batshuayi waa inuu yahay midka ugu horeeya samanka cusub ee daabacadiisu bilaabatay ee Stamford Bridge.

22 jirkaan ayaa lala bar bar dhigaa halyeygii hore ee kooxdda Chelsea Didier Drogba kaas oo isna sidoo kale laga soo iibsaday kooxdda ka dhisan koonfurta France waxaana uu ahaa saxiix lagu faa’iiday.

Ninka saddexda jeer horyaalka Talyaaniga la qaaday Juventus ee Conte ayaa falsafad cusub la imaan doona Chelsea,macalinkaan ayaa qaab loo rafaaday uga soo haray Euro 2016 isagoo sababsaday gacmaha Germany Sabtidii.

46 jirkaan ayaa qaadan doona asbuuc nasiino ah ka hor inta isaga iyo Batshuayi aaney ku biirin xidigaha Chelsea ee hada xaadirka ah,laakiin waxaa durba lasii arkaya sida ay noqon doonto shaxda Chelsea xili ciyaareedka soo aadan.

Batshuayi ayaa rikoor dhinaca suuqa ah ka sameeyay kooxda Marseille waana mid uu la wadaago Drogba oo sidaas oo kale rikoor u ahaa kooxdan reer France 12 sano ka hor.

Shaxdaan hoos ka muuqata waxaa sidoo kale kujira xidigaha ay ku dhowdahay Chelsea iney soo qaadato inta uusan bilaaban horyaalka waxaana ka mid ah N’Golo Kante oo ka tirsan kooxdda Leicester City.

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News