Haqabtirenews.com
Kooxda Paris St-Germain Oo Beenisay In Ay Ku Dhawdahay Saxiixa Bartilmaameedka Man Utd James Rodriguez Iyo Mourinho Oo Aan La Daahi Doonin Soo Xero Gelintiisa.
July 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Paris St-Germain kuma dhawaan saxiixa James Rodriguez oo katirsan kooxda Real Madrid, sida uu sheegay madaxweynaha kooxda Faransiiska.

xiddiga Colombia ayaa ahaa mid la baahiyay shalay in uu wadahadalo horumar leh kula jiro kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ee PSG.

Laakiin madaxa PSG ,Nasser Al Khelafi, ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegaya in kooxdiisa qarka u saran tahay saxiixa James Rodriguez.

“Ma ahan wax run ah in aan la hadlay James,” ayuu ka yiri mar uu ka hadlyaya madaxweynaha PSG xaflada soo dhaweynta tababare cusub ee kooxda Unai Emery.

“Waxaan aan sameynay saxiixyo badan, hadda ma ahan wax sax ah in aan James wadahadal kula jiro,isaga ama xitaa kooxdiisa Real Madrid lama hadlin.

Warkaan ayaa neefta kasoo fujiyay kooxda Manchester United, oo lacag qaali ah u taagan saxiixa Rodriguez.

24-sano jirkaan ayaa dhawaan la sheegay in uu guri ka raadsanayo magaalada Manchester ka hor inta uusan u dhaqaaqin Old Trafford.

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News