Haqabtirenews.com
Iska Ilow Zlatan Ibrahimovic Ama Mid Kale- Jamaahiirta Man Utd Oo Jose Mourinho Ka Dalbaday Kaliya Sadexdaan Ciyaaaryahan In Uu Usoo IIbiyo, Waa Kuwee?
July 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Paul Pogba, Raphael Varane and Neymar

MANCHESTER UNITED waa in ay la saxiixataa sadexda xiddig ee kala ah Raphael Varane, Paul Pogba iyo Neymar, sida ay taageerayaasha kooxda ka dalbadeen Jose Mourinho.

Mourinho ayaa goor horeba sii xaqiijistay labo saxiix oo waa weyn in uu kusoo biiriyo Old Trafford, isagoo £ 30million daafaca Eric Bailly kusoo qaatay, halka Zlatan Ibrahimovic uu ku helay beeca xorta ah.

Laakiin Express Sport ayaa ogaatay tababaraha reer Portugal la siiyay £ 200m islamarkaana uu suuqa ku geli doono.

Waxa uu hadda aad ugu dhaw yahay saxiixiisa sadexaad oo ah ninka katisan kooxda Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha United ayaa aad u doonaya kooxda in ay ku arkaaan saxiixyo waweyn oo guul gaarsiin kara.

Varane ayaa 82% codadka taageerayaasha United helay, inkastoo kooxdiisa ay xaqiijisay in daafaca uu ufuran yahay suuqa xagaagan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain, Varane ayaaa diyaar u ah inuu ka tago Madrid kadib markii uu booskiisa ku waayay Pepe, Sergio Ramos iyo xataa Nacho.

Mourinho ayaa sidookale taageeerayaasha kooxda Manchester ay kaga fadhiyaan saxiixa Paul Pogba iyo Neymar,

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News