Haqabtirenews.com
Hristo Stoichkov Oo Mar Kale Weeraray Cristiano Ronaldo: Kaliya Quruxdiisa Ayuu Ku Qaadi Karaa Ballon d’Or.
July 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Ka dib qaab ciyaareed aan joogta aheyn uu ku soo bandhigay Euro 2016, xiddigii hor eee Barcelona Hristov Stoichkov ayaa mar kale dhaleeceeyay Cristiano Ronaldo isagoo sheegay in Antoine Griezmann inuu u qalmo ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or.

Weeraryahankii hore ee Bulgaria ayaa inta badan weerar ku ah xiddiga reer Portugal iyo weliba kooxda Real Madrid, waxaana uu sheegay in Ronaldo ay tahay inaan la gudoonsiinin abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka bisha Janaayo.

14676430865765

“Antoine Griezmann ayaa u qalma abaalmarinta, si la mid ah Bale haddii Wales ay ku guuleystaan Euro 2016 laakiin Ronaldo waxa uu abaalmarinta ku qaadi karaa kaliya quruxdiisa” ayuu Stoichkov u sheegay Cadena Cope.

Isagoo ka hadlayay Lionel Messi, Stoichkov waxa uu sheegay in xiddiga reer Argentina uu ka laaban doono go’aankii uu kaga fariistay ciyaaraha caalamiga ka dib markii xulkiisa laga qaaday Copa America.

“Messi waa uu ku soo laaban doonaa inuu u ciyaaro xulkiisa” ayuu yiri.

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News