Haqabtirenews.com
Gareth Bale Vse Ronaldo Mise Wales Vs Portugal ? Muxuuse Ka Aaminsan Yahay Cr7, Waase Kee Xidiga Ugu Fiican Xulka Wales ? Wax Waliba Uu Ka Hadlay Gareth Bale Ka Hor Kulanka Portugal.
July 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Gareth Bale ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in kulanka xulkiisa uu la leeyahay xulka Portugal uu yahay Real Madrid Derby oo u dhexeeya Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale wuxuuna xaqiijiyay in xulkiisa u la ciyaarayo xul kale oo Portugal.

Bale iyo Ronaldo ayaa sadex xili ciyaareed ku wada qaatay garoonka Santiago Bernabeu wuxuuna xidiga Wales jabiyay rikoorkii suuqa ee Cristiano Ronaldo si kasto Bale ayaa sheegay Ronaldo iyo isaga ay diirada saari doonaan kulanka European Championship ee aysan u hardami doonin guulo kali ah.

“Ma aha waxa u dhexeeya labo ciyaartooy, qof waliba wuu ogyahay midaas, waa kulan u dhexeya labo qaran, 11 rag ah vs 11 kale  v 11, wuxuu noqon doonaa kulan aad u adag, iskama aysan imaan wareega afar dhamaadka ee sabab ayeey ku yimaadeen laakin waxaan ku raaxeysan doonaa ciyaarta inta ay socoto”. ayuu yiri Bale

Bale-and-Ronaldo-happy-main

“[Ronaldo waa] ciyaariyahan fantastik ah, cid waliba waa ay ogtahay waxa uu qaban karo, laakin waxaan ka hadleenaa waxa aan u sameyn karno koox ahaan, xulalkii aan la ciyaarnay waxay heysteen shaqsiyaad aad u wanaagsan laakin anaga shaqadeena koox ahaan ayaan dhibaato ku geeysan karnaa”.

“Xidiga kooxdeena ku jira waa kooxda oo dhan, dhamaan waxaan nahay xidigo, waan wada shaqeynaa, waan is caawinaa, waan wada orodnaa, waxaan nahay sida walaalo, dhamaan shaqo walibo waxaan qabanaa anagoo walaalo ah oo ku raaxerysaneena howshaas”.

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News