Haqabtirenews.com
DEG-DEG: Xidiga Khadka Dhexe Ee Xulka France Blaise Matuidi Oo U Duulay Dalka Ingiriiska Si Uu Tijaabada Caafimaad Ugu Soo Maro Koox Premier League Ah.
July 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Sida a qoreyso Goal.com qeybteeda France iyo waliba ingiriiska xidigii khadka dhexe ee kooxda Paris Saint Germain iyo xulka qaranka faransiiska Blaise Matuidi ayaa u duudaly dalka ingiriiska si uu caafimaadka ugu soo maro koox aan ilaa haatan la ogaan.

Xidiga ayaa ogolaansho ka helay maclainka xulka qaranka France ee Didier Deschamps markii uu heshiis la gaaray kooxdaan aan la ogaan ilaa haatan.

Xidigaan ayaa ku wakiil ah xidigaha kooxda Manchester United ay la soo wareegtay ee Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitryan iyo waliba xidiga xulka France ee Paul Pogba waxaana dhamaan wada matala wakiilka ree talyaani ee Manio Riola.

Blaise Matuidi

Ma jirto koox xaqiijisay iney heshiis la gaartay xidigaan heerka caalami laakin waxaa lala xiriirinayay kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Manchester United.

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News