Haqabtirenews.com
Arsene Wenger Oo Wadahadalo Kula Jira Romelu Lukaku & Alexandre Lacazette Isagoo Doonaya Gooldhaliye Ka Hor Inta Aysan Mareykanka U Duulin.
July 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa wadahadalo la galay wakiilada weeraryahanka kooxda Lyon Alexandre Lacazette iyo weeraryahanka kooxda Everton Romelu Lukaku sida ay qortay jariirada Ingariiska ka soo ee The Sun.

Isagoo seegay saxiixa weeraryahanka kooxda Leicester City iyo xulka England, tababare Arsene Wenger ayaa u dhaqaaqaya bartilmaameedyo kale iyadoo weli ay muhiimadiisa tahay inuu gooldhaliyayaal keeno kooxda Gunners.

Laakiin saxiixyo cusub oo la sameeyo waxba kama bedeli doonto mustaqbalka weeraryahanka Faransiiska Oliver Giroud kaasoo la sheegay inuu weli qeyb ka yahay qorshayaasha tababare Arsene Wenger.

Lukaku Lacazette

Wenger ayaa la hadlay kooxaha Lyon iyo Everton iyo weliba wakiilada labada xiddig isbuucii la soo dhaafay, waxaana uu doonayaa gooldhaliye cusub ka hor inta aysan u ambabixin Mareykanka xilli danbe bishaan halkaasoo ay ka bilaabayaan booqashadooda xagaaga.

Everton ayaa adduun lacageed oo gaaraya 65 milyan ginni waxa ay ku dooneysaa Lukaku, laakiin waxa ay maladu tahay inay ku fasixi karaan haddii loo soo bandhigo lacag ku dhow 40 milyan ginni.

Wenger ayaa muddo dheer jeclaa Lacazette isagoo si shaqsi ah u daawaday weeraryahan Lyon xilli ciyaareedyadii u danbeeyay.

Laakiin xiddiga Faransiiska ayaa ah dooqa labaad ee Wenger ka dib Lukaku, waxaana qiimihiisa lagu sheegay 38 milyan ginni.

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News