Haqabtirenews.com
SUUQA KALA IIBSIGA: Antonio Conte Oo Weydiistay Chelsea 24 Saac In Loogu Soo xero Geliyo Weeraryahan Uu Jecelyahay.
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

RUMOURS: Chelsea ready bid for Southampton's Pelle

Blues ayaa kaliya xaqiijisay saxiixa Weeraryahanka Belgium Michy Batshuayi saacado ka hor, laakiin tababaraha cusub ee kooxda Antonio Conte ayaa ka codsaday maamulka Chelsea in kooxda lagu soo daro weeraryahanka Italy Pelle,

Everton iyo AC Milan ayaa xiiso u qaba 30-sano jirkaan, kasoo iska diiday heshiis € 15m xili ciyaaareedkiiba uu kaga qadan lahaa kooxda Chinese Super League ciyaarta.

Tababare Conte, ayaa taageere weyn u ah ciyaaryahanka oo wacdaro ka sameeyay xulkii Italy ee ka qeyb galay Euro 2016.

Weeraryahanka Italy kasoo qasaariyay rigoore kulankii Germany reebtay xulkiisa, waxaa maamulka Blues ay doonayaan in kooxdisa Southampton dalab u diraan, sida ay sheegayaan wararka

Saraakiisha Chelsea ayaa weydiisan doona Southampton Pelle, oo kujira labadii sano ee ugu dambeysay qandaraaskiisa kooxda xeebaha ka dhisan.

Taa micnaheedu wuxuu yahay in Chelsea ay ka maarantay Costa, oo si weyn loo hadal hayo in uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News