Haqabtirenews.com
RASMI: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Xidigii Kooxda Marseille Ee Michy Batshuayi.
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xidigii kooxda Marseille ee Michy Batshuayi. Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay Michy Batshuayi ayaa todobaadkan tijaabada caafimaadka ku maray dalka France markaas oo ay Blues shaqaalaheeda caafimaadka u dirtay xaruntii tababarka ee Belgium.

Warka ay Chelsea ku xaqiijiyay saxiixa  Michy Batshuayi ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Chelsea waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo saxiixa  Michy Batshuayi kaas oo maanta dhamaystiray ka soo wareegistiisa Marseille. 22 jirkani waxa uu saxiixay heshiis shan sano ah”.

Michy Batshuayi ayaa ah gooldhaliye awood badan oo aad u deg deg badan isla markaan leh xirfad aad u wanaagsan wuxuuna ka mid yahay da’yarkan Yurub sida wayn looga qiimeeyo.  Michy Batshuayi ayaa iska diiday kooxaha Tottenham, Crystal Palace iyo West Ham United si uu ugu soo biiro Stamford Bridge. 

 

Markii uu qalinka iyo warqada isdul dhigay  Michy Batshuayi ayaa ka hadlay dareenkiisa farxadeeda iyo ku soo biiristiisa Chelsea wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan ku faraxsanahay in aan u saxiixay mid ka mid kooxaha Yurub ugu waa wayn iyo in aan furto boga cusub ee waayahayga ciyaareed. Waxaan rajaynayaa in aan awoodi doono in aan Chelsea ka caawiyo ku guulaysiga kooban badan inta aan ku jirto waqtigayga Stamford Bridge”.

Michy Batshuayi ayaa sheegay in in goolhaye thibout Courtios iyo Eden Hazard ay waxyaabo fiican uga sheegeen kooxda Blues wuxuuna yidhi: ” Eden Hazard iyo Thibout Courtis ayaa aniga waxyaabo badan oo fiican iiga sheegay kooxda iyo imaantinka Antonio Conte ayaa ah waqti xiiso badan in aan noqdo ciyaartoy Chelsea ah. Tani waa fursad fantastik u ah naftayda iyo qoyskayga, waxaanan wanaag ka rajaynayaa in aan xili ciyaareedka danbe ka ciyaaro Premier Leaque-ga”. 

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News