Haqabtirenews.com
Pep Guardiola Oo Soo Gaadhay Etihad Stadium Iyo Manchester City Oo Saxaafada & Jamaahiirteeda U Soo Bandhigaysa Macalinkeeda Cusub Ee Guardiola.
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Tababaraha cusub ee kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa soo gaadhay Etihad Stadium isaga oo si rasmi ah ula wareegaya xafiiskiisa Manchester City. Kooxda Manchester City ayaa Pep Gaurdiola kooxdeeda ku soo dhawaysay.

Manchester City ayaa horaantii sanadkan ku dhawaaqday in Pep Guardiola uu shaqada ka badalayo Manuel Pellegrini oo kooxda ka baxay dhamaadkii xili ciyaareedkii 2015/17, waxaana si wayn magalaada Mancehster looga sugayay imaantinka Guardiola. Guardiola ayaa saxaafada iyo jamaahiirta kooxdiisa la hadli doona waxaana la filayaa in uu waxyaabo badan kagaga hadli doono hamigiisa kooxdiisa cusub ee City.

Guardiola

Guardiola ayaa hore guulo waa wayn uga soo gaadhay horyaalada Spain ee La Ligaha iyo Germany oo uu shaqo fiican ka soo qabtay kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, waxaana la sugi doonaa taariikhda uu Guardiola ka samayn doono Prmier Leaque-ga iyo kooxdiisa cusub ee Manchester City. 

Horaantii bishii May, maamulka sare ee kooxda Bayern Munich ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay Pep Guardiola sidoo klae ciyaartoyda kooxda Bayern Munich ayaa hore u macasalaameeyay Guardiola isaga oo oohinta xejisan kariwayay markii uu Bayern Munich kula soo guulasytay koobkiisii ugu danbeeyay a DFB Cupka uu kula guulasytay iyo intii lagu jiray dabaal dega koobkanba. 

Guardiola ayaa ka mid ah tababarayasha hadda aduunka ugu fiican wuxuuna haddaba ku soo guulaystay koobab aad u tiro badan. Ujeedada ugu wayn ee ay Manchester City ka doonayso Guardiola ayaa ah sidii ay kooxdu horumar uga samayn lahayd Premier Leaque-ga iyo Champions Leaque-ga oo ah labada koob ee ugu waa wayn ee ay Sky Blues utartamayso. Guardiola2

Waayihii Cajiibka ahaa ee Guardiola markii uu ciyaartoyga ahaa iyo waayihiisii tababaranimo:

Waayihiisii Ciyaartoynimo : 

Barcelona: (1990-2001) 6 koob oo La Liga ah, Hal koob oo Champions League ah, 2 koob oo Copa del Rey-ga ah iyo  hal koob oo Cup Winners Cup-ka ah. Guardiola ayaa waayihiisii ciyaartoynimo iyo tababaranimo koobabka ugu badan kula guulaystay kooxda Barcelona wuxuuna ka ciyaartoy ahaan iyo tababare ahaan uu kula guulaystay 3 koob oo Champions leaque -ga ah. 47 kulan ayuu u saftay xulka qaranka Spain wuxuuna ka helay bilada dahabka ah ee Olympic Gold Medal.

Brescia : (2001-02)

Roma :(2002-03)

Brescia: (2003)

Al-Ahli: (2003-05)

Dorados: (2005-06)

 Waayihiisii Tababaranimo:

Barcelona: (2008-2012) 3 koob oo La Liga ah, 2 koob oo Copa del Rey-ga ah, 2 koob oo  Champions League-ga ah, 2 koob oo koobka kooxaha aduunka ee Club World Cup-ka ah, 4 koob oo La Liga  ah. wuxuuna ku guulaystay abaal marinta  tababaraha ugu fiican ee FIFA World Coach of the Year.Guardiola3

Bayern Munich (2013-) 2 koob oo horyaalka Bundesliga -ha ah , hal koob oo  German Cup-ka ah  iyo hal koob oo koobka kooxaha aduunka ee Club World Cup-ka ah. Guariola

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News