Haqabtirenews.com
Payet iyo Griezman oo isugu abaal guday Kabo dhunkasho… (Tollow maxay tahay sababta ka dambeysa?) + Sawirro.
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Ciyaartii xalay Faransiisku 5-2 kaga badiyay Iceland ee tartanka qaramada Yurub ayaa waxaa la arkayay weeraryahanka xulka Faransiiska ee Antoine Griezmann oo inta jilba jabsaday Kobta u dhunkanaya weeraryahanka ay isku xulka yihiin ee Dimitri Payet, markii uu goolka dhaliyey.

Kobo dhunkashadan ayaa soo bilaabatay kulankii Faransiiska iyo Ireland  ee Euro  2016, kaasoo ku dhammaaday 2-1 uu ku adkaaday xulka France, markii Payet uu sidaan oo kale Kobta u dhunkaday Griezman oo xulka u dhaliyey kulankaas labada gool ay ku adkaadeen.

Lama garanayo sababta ka dambeysa kaba dhunkashadan in ay tahay wax ay ku soo heshiiyeen, inay tahay sharad ay wada galeen iyo inay tahay saaxiibtinimo aad u fog.

SAWIRRO:

Cmdy5kFW8AEbaON

CmdzNKgXYAUhlHB

labo

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News