Haqabtirenews.com
Maclainka Xulka Portuga Santos Oo Sheegay In Bale Iyo Cristiano Aysan Go’aamin Doonin Kulanka Afar Dhamaadka Euro Ee Portugal Vs Wales.
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Iyadoo afka lagu wada hayo in kulanka afar dhamaadka Euro 2016 ee u dhexeeyay Portugal iyo Wales, maclainka mid kamid ah labada xul oo ah Fernando Santos ayaa sheegay in kulanka uusan aheyn Real Madrid Derby oo u dhexeeya Cristiano Ronaldo vs Gareth Bale.

Baraha bulshada waxaa qabsaday dagaalka u dhexeeya xidigaha Galacticos ka Madrid laakin maclainkaan ayaa yiri “Cristiano Ronaldo wuxuu muujiyaa tusaalaha kabtanimo, wuxuu qabanayaa shaqo weyn waxaana ka go’an guul inuu gaaro, waxana wajihi doonaa xul weyn waana u baahanahay ciyaariyahan waliba oo keena ah”.

“KUlanka ma noqon doono mi u dhexeeya Ronaldo iyo Bale mana go’aamin doonaan ciyaarta laakin waa ciyaar u dhexeeysa labo xul”

Santos

“Waxaan ogahay in Wales aysan heysan [Aaron] Ramsey iyo [Ben] Davies, anagana waxa naga maqan William Carvalho sidoo kale, Andre Gomes waa diyaar, Guerreiro waa diyaar isna”.

“Layaab ma aha in Wales ay shaqo fiican qabatay laakin waan is arki doonaa” ayuu yiri macalinka Selecao.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News