Haqabtirenews.com
Ka Dib Codsiyada U Yimid Leo Messi Miyaa Laga Yabaa Inuu Wax Ka Bedelay Go’aankii Uu Kaga Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah?
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Go’aanka Leo Messi uu kaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah waxba iskama badalin waqti xaadirkaan, sida warbaahinta Sports ee kasoo baxda Spain lagu shaaciyay.

Ka dib markii ay soo baxeen codsiyo badan oo loogu jedinayo in uu dib ugu soo laabto ciyaaraha calamiga ah waxaa la sheegay in uusan waxba ka bedeli donin go’aankiisii waalida ahaa.

SPORT ayaa fahamsan in Messi uusan go’aankiisa si kastaa uusan waxba ka bedeli doonin, taas macnaheedu yahay in xulku ciyaaraan isreebreebka koobka adduunka 2018.iyagoon heysan Messi.

Jamaahiirta Argentina, iyo inta kale ee adduunka ku dhaqan ee taageerta Messi, waxa ay weydisteen in uu ku soo laabto xulka qaranka.

Siyaasiyiinta, saaxiibadiisa iyo halyeyada xitaa waxay codsadeen in dib uu ugu laabto Leo ciyaaaraha caalamiga ah.

Waxaa jira dareen guud oo laga qabo xaalada Messi iyo in uusan bedeli doonin go’aankiisa.

Messi ayaa hadda fasax ku jooga magaaalada Rosario. halkasoo uu kula raaxeysanayo qoyskiisa.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News