Haqabtirenews.com
Gareth Bale Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Cristiano Ronaldo Ka Hor Kulanka Weles Iyo Portugal.
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

bale vs ronaldoGareth Bale ayaa uga digay ninka ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo in Weles ay rabto iney sameyso taariiq marka ay wajaheyso Portugal.

Xulka Dragons ayaa gaaray wareega afar dhamaadka ee Euro 2016 kadib markii natiijo lama filaan ah ay ka gaareen Belgium kuwaas oo ay 3-1 uga badiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

Xidiga Real Madrid waxaa uu u sheegay saaxibkii inuusan ku qanci karin wax ka yar final xili labada wadan ay isk arki doonaan Arbacada soo aadan.

“Hadii ay isku dayday Leicester ayna sameysay ma jirto wax inoo diidaya inagana, Kani waa waqtigii aan soo dhalaali laheyn, Waxaa ay Arbacadii noo ahaan doontaa maalin aan caadi aheyn ayuu yiri Bale.

“Hada waan sameynay Taariikh waana sameyn  karnaa mid intaas ka badan.

“Portugal waa dal xoogan ,ciyaartu waa semi final mana ahan wax fudud laakiin mar walba horteena ayaa noo muuqata, Ronaldo waa saaxibkey laakiin kama leexan doono jidka guusha Ronaldo awgii, Weles wax ka go,an guul cid walba oo ay ka hor tagto ayuu hadalkiisa ku daray.

Labadan wadan ayaa isaga hor imaan doonta garoonka Parc Olympique Lyonnais habeenka Arbacada.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News