Haqabtirenews.com
Alexis Sanchez Oo Seegay Dabaaldega Chile Ee Copa America Xilli Eduardo Vargas Uu Ku Maadeystay Xulka Argentina.
July 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Alexis Sanchez ayaa seegay dabaaldega xulka Chile ee koobkoodii labaad ee isku xiga ee Copa America laakiin saaxiibkiisa Eduardo Vargas ayaa xusuusiyay Argentina wixii ay seegeen finalkii koobka qaramada Koonfur Amerika.

Weeraryahanka Arsenal ayaa qeyb libaax leh ka qaatay guushii La Roja ee koobkii ka dhacay Mareykanka, isagoo dhaliyay seddex gool ka hor inta uusan canqow dhaawacan ku ciyaaray waqtigii dheeriga ahaa ee finalka markii ay isku dhaceen Gabriel Mercado.

Inta ka hartay xulkiisa ayaa koobka kula dabaaldegay madaxweynaha Chile Michelle Bachelet garoonka Estadio Nacional ee magaalada Santiago, Alexis Sanchez ayaana fariin uga soo duubay gurigiisa isagoo si xoogan uga duuban canqowga uu ka dhaawacan yahay.

el-paseo-del-campeon_9jny1gu5x8891ta7ue2m6hdkj

“Waan jeclaan lahaa inaan halkaas idinla joogo” ayuu u sheegay taageerayaasha halka uu balanqaaday inuu si dhakhso ah ugu soo laaban doono garoomada.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News